Barcelona Oo Loobadinayo In Heshiiska Pogba Ay Ku Garaacdo Manchester City

Xiddiga qadka dhaxe uga ciyaara kooxda Juventus ninka lagu magacaabo Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa in uu ku biirayo kooxda Barcelona halkii uu Manchester City ku biiri lahaa.
Xiddigan reer France ayaa waxaa uu kow ka yahay xiddigaha kooxda Juventus isaga tagaya xagaagan waxaana aad loola xiriirinayaa kooxaha kala ah Barcelona iyo Manchester City walow hadda wararku ay u badinayaan in uu Barcelona doonayo in uu ku biiro.
Haddaba Kooxda Barcelona ayaa la soo sheegayaa in ay u dhowdahay in Manchester City ay ku garaacdo saxiixa lagu doonayo xiddigan reer France.
Balse waxaa laga yaabaa in kooxda Barcelona aysan xiddigan iminka la soo wareegin oo ay la soo saxiixato bisha January madama iminka aysan lacago badan qarsash gareyn karin oo weli waxaa saaran ganaxii FIFA ee dhaqaala wanaaga.
Xiddigan Pogba ayaa kooxda Juventus ka tirsanaa laga soo bilaabo sanadkii 2012kii waxaana uu kooxdan kaga soo biirey dhanka Manchester United oo uu suuqa xorta ah uga soo tagay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook