Booliska Canada oo sheegay inay gacanta ku dhigeen nin ku lug lahaa afduubkii Amanda Lindhout iyo Nigel Brennan+VIDEO

Taliska Booliska Canada, ayaa waxay shaaciyen inay gacanta ku dhigeen hal nin, oo lala xiriirinaayo inuu ka qayb qaatay afduubkii Somaliya loogu gaystay laba Suxufi, oo u kala dhashay dalalka Australia iyo Canada.
Suxufiyiintan, ayaa lagu kala magacaabaa Amanda Lindhout oo Canada u dhalatay iyo Nigel Brennan oo Australian ah, waxayna Shabaabku afduubteen 23-kii August ee sanadkii 2008-da, waxaana la sii daayay November, 2009.
Ninkan oo lagu magacaabo Cali Cumar Adeer, ayaa afar maalmood oo keliya joogay Magaalada Ottawa ee Xarunta Canada, wuxuuna dalkaasi ku yimid fiiso booqasho oo sax ah. Shalay ayaana xabsiga la dhigay.
Booliska waxay qoraal ku sheegeen in ninkaasi ay laamaha ammaanka Canada ku daba jooggeen, wixii ka dambeeyay markii ay xoriyadoodu helleen labada Suxufi, ugu dambeena ay suurta gashay in nolosha lagu qabto.
Boolisku tafaasiil dheeraad ah kama aynaan bixin qaabka loo soo qabtay ninkaasi, balse Warbaahinta Canada waxay qoreysaa soo qabashada ninkaasi, inay ahayd mid ay laamaha ammaanku wax ka ogaayen.

Cali Cumar Adeer oo 37 sano jir ah, ayaa waxay Boolisku sheegeen inuu ahaa ninka keliya ee u dhaxeeyay Shabaabka iyo dadkii kale, ee ka shaqaynaayay sii deysmada Suxufiyiintaasi.
Booliska Canada, ayaa toddobadka soo socdo Maxkamad soo taaggi doono Adeer, inta ka horeysana waxaa su’aalo weydiin doona laamaha amniga dalkaasi.
Amanda Lindhout oo markii ay Canada ku laabatay la hadashay Warbaahinta dalkaasi, ayaa sheegtay in jirdil joogto ihi ay u gaysan jireen dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, intii ay gacanta ugu jirtay.

Freed hostages, Amanda Lindhout (L), a Canadian freelance reporter, and Nigel Brennan, a freelance Australian photojournalist smile to photographers in Somalia's capital Mogadishu, November 26, 2009. Two freelance journalists released in Somalia on Wednesday after 15 months captivity said they were tortured and feared being sold on to hardline rebels in the anarchic Horn of Africa nation. They were kidnapped in Mogadishu in August 2008 as they went to visit a refugee camp outside the capital.  REUTERS/Government of Somalia/Handout (SOMALIA CRIME LAW CONFLICT MEDIA IMAGES OF THE DAY) FOR EDITORIAL USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS - RTXR5IB

CALI

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook