Cabdi qeybdiid oo Runta shegay si kululna u weeraray+ Cod

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qabashada Ahlu Suna ee magaalada Dhuusa-Mareeb iyo diidmadooda ay diideen shirka Cadaado wuxuuna bogaadiyey talaabada Ahlu Suna ay qaaday, isagoo quus ka muujinaya sida ay ula dhaqantay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Cabdiqeydiid oo horay loogu been sheegay loogana baxay balan Siyaasaded oo uu la galay Madaxweynaha dawladda wuxuu sheegay in uu doonayo in si siman loo qeybsado ka qeybgalayaasha doorashada Madaxweyne-nimada Shirka Cadaado.

Sidaas oo kale Cabdiqeydiid wuxuu sheegay in dagaalada ka socda Dhuusa-Mareeb ay yihiin wax lagu kalifatay Ahlu Suna, wuxuuna sheegay in aan dagaal dambe xal lagu doonin ee loo baahan yahay wada hadal.

Dawladda Faderaalka ayuu ku eedeeyey Cadaalad daro weyn ka wado Cadaado, isagoo sheegay in aysan marnaba aqbali doonin dhiniciisa sad bursi iyo dad gaar ah oo loo wado talada Maamulka ka soo bixi doona shirka Cadaado.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook