Cabdikariim Guuleed siduu u arkayaa Kooxda Ahlu Sunna? (Warbixin)

Siyaasiga Cabdikariim Xuseen Guuleed oo u sharraxan madaxtinimada maamulka loo dhisayo gobalada dhexe ayaa sheegay in kooxda Ahlu Sunna ee ku sugan gobaladaas ay tahay mid halgan dheer usoo gashay in gobalka laga xoreeyo maliishiyaadkii Alshabab ee halkaa ku sugnaa.
Cabdikariim oo warfidiyeenka kula hadlayay Garoonka diyaaradaha Cadaado oo maanta uu soo gaaray ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in Ahlu Sunna laga qayb galiyo dadaalada lagu dhisayo maamul ay yeesheen gobalada dhexe.
Isagoo hadalka sii wata ayuu wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed tilmaamay in kooxda Ahlu Sunna ay dhiig badan usoo daadisay sidii gobalada dhexe, gaar ahaan Galgaduud looga xoreyn lahaa kooxda Alshabaab, sidaas darteedna ay qasab tahay in Ahlu Sunna lagu biiriyo dhinacyada ka tashanaya aayaha gobalada dhexe.
Hadalka Guuleed wuxuu kusoo aadayaa hadda oo magaalada Dhuusa-Mareeb uu ka socdo shir u dhexeeya wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta kooxda Ahlu Sunna, kuwaas oo ka xaajoonaya sidii Ahlu Sunna loogu dari lahaa dhinacyada u fadhiya dhismaha maamulka gobalada dhexe.
Ahlu Sunna ayaa dhawaan weerar ku qaadday Dhuusa-Mareeb oo ay ka ceyrisay ciidamada dowladda Soomaaliya, waxayna qabsashada magaalada ka dib kooxdu la kulantay cambaareyn iyo baaqyo kaga yimid dowladda iyo hey’ado caalami ah oo dhammaantood muujinayay inay ka xun yihiin tallaabada colaadeed ee ay Ahlu Sunna qaadday.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook