Chelsea Oo Diidan In Goolhaye Cech Ay Arsenal ka Iibiso

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ka caga jiideyso in goolhayaheeda Petr Cech ay ka iibiso kooxda Arsenal oo ah kooxda aadka saxiixa goolhayahan u dooneysa.
33 jirkan ayaa 11 sano ka tirsan kooxda Chelsea waxaana xili ciyaareedkii hadda ahaa ee dhamaadey ayaa waxaa uu xiddigan inta badan waqtigiisa ku qaatey kursiga keydka.
Kooxo badan ayaa saxiixa goolhayahan aad u doonaya waxaana kooxahaasi ugu horeya kooxda Arsenal oo ah kooxda aadka u dooneysa in xiddigan ay la soo wareegto xagaagan.
Sida Sky Sports ay qoreyso xiddigan Cech waxaa uu isagu doonayaa in uu ku biiro kooxda Arsenal balse kooxdisa Chelsea ayaa iyada dooneysa in ay ka iibiso PSG oo kamid ah kooxaha doonaya saxiixa xiddigan.
Isku soo wadda duubee waxaan la qiyaasi karin halka mustaqbalka goolhaye Cech uu ku danbeyn doono.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook