Ciidamada Ahlu Sunna oo la wareegay gacan ku haynta Magaalada Dhuusamareeb +Cod

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa la wareegay saaka qayb ka mid ah Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, kadib markii ciidamada aad u hubaysan oo Ahlu Sunna ka tirsan ay weerareen Magaaladaasi.
Ciidamada Ahlu Sunna markii ay soo galeen Magaalada ayaa waxa ay la kulmeen dagaal culus oo dhanka ciidamada Dowladda kaga yimid, iyadoo Ahlu Sunna ciidankeeda ay usuuragashay inay qabsadaan inta badan Magaalada.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamada Dowladda oo dhinac ka jooga Magaalada hada dagaal uu ku dhexmaraayo halkaasi ciidamada Ahlu Sunna ee qabsaday qayb ka mid ah Magaalada Dhuusamareeb.
Waxaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka Magaalada ka socda, iyadoo la soo sheegaayo inuu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Lama oga waxa dagaalkaan saaka ku soo beegay iyo sababta ka dambeysa in Ahlu Sunna ay ku duusho Magaalada Dhuusamareeb xilli horay heshiis ay u kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu Sunna.
Maamulkii Dowladda ee ku sugnaa Magaaladaasi ayaa u cararay dhanka deegaanka Maraarguur ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb.
Saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna oo aan la xiriirnay ayaanan inoo suuragelin inaan taleefoonka ku helno.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook