Ciidamada Liyuu boolis Oo Dib Usoo Celiyey Ciidan Somaliland ah Oo Addis Ababa tababar ugu Socday

iidanka Ismaamulka Somalilda Itoobiya ee Kililka Shanaad ayaa Xalay ka soo celiyey ciidan Somaliland ah oo la sheegay inay tababar ku soo qaadanayeen Addis.
Lama Oga sababta rasmiga ah ee keentay in la soo ceilyo ciidankan, hase yeesheewaxa lagu war helay markii ay dib ugu soo noqdeen Wajaale.
Ciidankan ayaa la sheegay inay siteen fiisayaal sharci ah oo laga Siiyay Hargeysa, hase yeeshee ilo wareed xogogaal ah ayaa sheegay Maamulka Kililka Shanaad in uu diiday.Ciidankan la soo celiyay ayaa ka tirsanaa Ciidanka Somaliland Waxaana Dirtay Xukuumada Somaliland ka dib markii dhawaan Wasiirka Arrimaha dibeda la soo kulmay Madaxda Dawlada Federalka Itoobiya.
Dhinaca kale Waxa isla Shalay Magalada Jigjiga si heer sare ah loogu soo dhaweeyo Maamulka Galgaduud iyo Wafti wasiiro fadaral ah oo ay siday diyaarada khaas ah waxay ka wada hadlayaan arrimo ku saabsan Aamaanka iyo dhibaatooyinka ka socda xuduuda oo ay dhawr jeer iska hor imaado ka dhaceen.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook