Ciidankii loogu talla galay inay suggaan ammaanka Muqdisho oo la soo bandhigay +Sawiro

Ciidan boolis ah oo loogu talla galay inay suggaan ammaanka Wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayaa maanta socod dheer ku soo maray min KM0 ilaa Km4, iyagoo bilaa hub ah.
Ciidamadan, ayaa waxaa hareerahoodu socday ciidan kaloo gaar ah oo loogu talla galay inay korka kala socdaan, xilli dhoola tuskoodu ay ka qaybgaleen Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Booliska, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud.
Booliska Dowladda Somaliya, ayaa suggida amniga waxaa kala qayb qaadan doono Booliska Amisom, labadoodu oo keliya ayaana awaamiir u haysta inay xoojiyaan ammaanka Caasimadda.
Ciidamadii Nabad Suggida ee dhoobnaa Wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la soo sheegayaa in laga kala kaxeeyay, waxaana goobihii ay jooggeen lagu bedelay Xoogaga Booliska.
Taliyaha Ciidanka Booliska, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, ayaa sheegay bisha Ramadaan inay doonayaan wax weyn, oo ay ka bedelaan xasiloonida Magaalada Muqdisho.
Taliyaha, ayaa ku waramaaya in ujeedkoodu uu yahay in laga hortaggo kuwa doonaaya inay qalqalka geliyaan xasiloonida bulshada ku nool Magaalada Muqdisho.
General Xaamuud, ayaa balanqaadaaya inay nabad ku soomi doonaan bulshada reer Muqdisho, isla-markaana ay ku ciidayaan, sida uu yiri.

BoolisBoolis1

Boolis2Boolis3Boolis4Boolis5Boolis6Boolis7

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook