Cirfo “Waa Falaago qabsaday Magaalada Dhuusamareeb”

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Galgaduud ee Dowladda, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo), oo maanta dib ugu soo laabtay Gobolka Galgaduud, ayaa ka hadlay tallaabada ay Ahlu Sunna kula wareegtay Xarunta Gobolka Galgaduud.
Gudoomiyaha oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Cadaado, ayaa meesha ka saaray in Culima’udiinka Ahlu Sunna ay qabsadeen Magaalada Dhuusamareeb, balse ay qabsatay waxa uu ugu yeeray falaago.
“Falaago ayaa qabsatay Magaalada Dhuusamareeb. Lama dhihi karo Ahlu Sunna Wal Jameeca, Ahlu Sunna kuma duusho meelaha ay nabadgelyadu ka jirto.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha wuxuu soo hadalqaaday inay soconayaan dadaalo nabadeed, oo lagu doonaayo in Ahlu Sunada Magaalada Guriceel looga saaro Dhuusamareeb.
“Waan-waan ayaa socoto oo falaagada dib looga saaraayo Magaalada Dhuusamareeb. Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur iyo Odayaal kale ayaa maanta u amba baxay Dhuusamareeb.” Ayuu yiri Xuseen Cali Wehliye.
Cirfo, ayaa Axadii hawlo shaqo u joogay Magaalada Jigjiga, xilligaa oo Xoogaga Ahlu Sunna ay si buuxdo ula wareegen gacan ku haynta Magaalada Dhuusamareeb. Dhuusamareeb waxay ahayd Xarunti Maamulka Cirfo.
Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda Magaalada Dhuusamareeb, ayaa wada dadaalo looga hortagaayo in dagaalo kale ka dhacaan Magaaladaasi.
Odayaasha Dhaqanka, ayaa waxay is hortaag ku sameeyen duulaan ay Dowladdu ku qaadi laheyd Xoogaga Ahlu Sunna, iyagoona taasi bedelkeeda soo jeediyay in wax kastaa wada hadalo lagu dhameeyo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook