C/kariin Xuseen Guuleed oo Kulaabtay Cadaado Kana Hadlay Arimo Badan o Taagan +Sawirro

Musharax C/kariin Xuseen Guuleed oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulka loo dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa maanta si wen loogu soo dhaweeyay Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb.

C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukumaddii Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta wanaagsan ee Shacabka ku nool Cadaado ay u soo dhaweeyeen.

Sidoo kale C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay Arrimaha Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ee Dalka,waxaana uu Xusay in uu si wanagsan u soconayo.

Waxaa uu ku baaqay in Maamulka Ahlusunna Waljamaaca laga qeyb galiyo Maamulka loo dhisayo Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya islamarkaana la xaliyo waxa ay tabanayaan.

5 6

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook