Daahir Rayaale Oo Burburka Xisbigii UDUB Dusha U Saaray Waran Cade , Raali Galina U Direy Jamaal Cali Xussen +Video

Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Ayaa Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Waxaana Uu Ka Hadlay Xaalada Guud Ee Dalku Wakhtigan Maraayo , Muddo Kordhinta Loo Sameeyey Xukuumada Talada Haysa Iyo Hogaaminta Madaxweyne Siilanyo .

Sidoo Kale Waxaa Uu Daahir Riyaale Kaahin Uu Duray Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade Oo Uu Ku Sifeeyey Shaqsi Aanu Hankiisu Dhaafsiisnayen Han Wasiirnimo Iyo Wax Ka Hooseeya Isla Markaana Uu Raali Galin Uu Ka Bixinaayo In Xisbigii UDUB Oo Uu U Dhiibay Shaqsi Aanu Hankiisu Gaadhsiisaneyn Xil Madaxweyne Nimo

Waxaana Uu Yidhi “ Waxaan Jecelahay In Aan Raali Galin Ka Bixiyo In Aan Xisbigeygii UDUB U Dhiibay Nin Aanu Hankiisu Gaadhsiisneyn Madaxweyne Oo Ah Cali Waran Cade Oo Ku Faanaayey Jeebka Ayaan Ku Ritey Xisbiga UDUB Waxaanan Leeyahay Nimankii Soo Dalbadey Ee Hankoodu Ahaa Madaxweyne Ee Jaamal Iyo Cabdirashiid Raali Galin Baan Ka Siinayaa In Aan Iyaga Baal Maray Oo Ninkaas Hankiisu Yahay Wasiirka Iyo Wax Ka Hooseeya Aan Xilka U Dhiibay

Xisbiga UDUB Wuu Soo Noqon Doona,Waana Taariikhda Somaliland “ AYuu Yidhi Daahir Riyaale Kaahin Madaxweyihii Hore Ee Somaliland .

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook