Dagaalo ka dhacay Xuduuda ay wadaagaan Sacuudiga iyo Yaman.

Ciidamo ka tirsan kuwa Sacuudiga iyo kuwa Xuutiyiinta oo ay kaabayeen Ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee dalka Yaman ayaa waxay ka dhaceen Xuduuda labada dal ee Yaman iyo Sacuudiga.
Wakaalada Wararka ee Sacudiga ayaa sheegeysa in deegaanada Jizan iyo Najran ay ka dhaceen dagaalada ay soo qaadeen Xuutiyiinta Yaman iyo ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee Yaman. Cali Cabdala Saalax.
Deegaanada lagu dagaalamy oo ahaa deegaano lama degaan ah ayaa saraakiisha Sacuudigu sheegeen inay fashiliyeen weerarka oo ay ku dileen Ciidamo badan oo ka tirsan Xuutiyiinta ayna adeegsadeen gantaalo iyo Madaafiic.
Weerarkan ayaa imaanay xilli xulufada uu hugaaminayo Sacuudiga ay duqayn xaga circa ah ka fuliyeen magaalada Sanca ee Yaman.
Xuutiyiinta ayaa horay ugu hanjabay in ay geysan doonaan weeraro looga aar gudanayo duqeymaha uu ku haayo Sauudiga.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook