Dastuurka uu yeelanayo Maamulka Gobolada Dhaxe oo Gordhaw la ansixiyay +Sawiro

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Goordhaw ergada ka qeyb galeysa Shirka Maamul u sameynta Golaha Dhaxe ay si aqlabiyad leh u ansixiyeen Dastuurka uu yeelanayo Maamulka dhismihiisu socdo.

Shirka waxaa ka qeyb galayya 350-Ergo, waxaana ogolaatay in la ansixiyo Dastuurka KMG uu yeelanayo Maamulka Gobolada Dhaxe 310- ergo waxaa diiday 31-Ergo waxaana kaa amusay 9-Ergo , waxaana sidaasi ku meel maray Dastuurka uu yeelanayo Maamlka Gobolada Dhaxe.

Waxaa la filayaa maalmaha soo aadan in lasoo magacaabo Xildhibaanada Beelaha u matalaya Baarlamaanka Maamulka Gobolada Dhaxe, Xildhibaanada ayaana dooran doona Madaxweynaha maamulka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

123 6

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook