Dhismaha maamulka G/dhexe Puntland waa u dhimasho, Hawiyana waa u Horumar.

Ma sahlana in si fudud loogu guulaysto dhismaha Dawlad goboleedka bartamaha Soomaaliya, caqabado aad u fara badan ayaa ku hor gudban yegleeelida Maamulka G/dhexe, cadow isugu jira mid soke iyo mid shishe ayuu leeyahay Maamulkaasi, madaxda Dawlad goboleedyada Soomaaliya qaarkood oo u badan reer Puntland ma jecla inuu taaba galo rabitaanka bulshada ku dhaqan Mudug iyo Gal-gaduud ee ku aadan iney yeeshaaan Maamul iyaga u gaar ah.
Inkastoo dhismaha maamulka G/dhexe ay horyaalaan hagar-daamooyin aad u fara badan ayaa haddana waxaa nasiib wanaag ah in maamulkaasi uu ka soo talaabsaday jid gooyo aan yareyn oo la doonayay in lagu jalaafeeyo, culeysyo isugu jira mid gudaha ah iyo mid dibadda ah ayaa la saaray hanaan socodka shirkaaasi, hase yeeshee ALLE mahadii waa uu ka soo gudbay, is jiid-jiid siyaasadeed oo socday mudo dhawr toddobaad kadib iminka shirweynaha maamul u sameynta G/dhexe wuxuu toobiyaha saaray wadadii cadeyd ee uu ku guulaysan lahaa.
Dhawr cisho ka hor ayaa si rasmi ah waxaa Magaalada Cadaado looga furay Wajigii 2-aad ee dhismaha Dawlad goboleedka G/dhexe, Ra’iisul Wasaaraha DFS Dr. Cumar C/rashiid oo xariga ka jaray furitaankii wajigaasi ayaa sheegay in dhismaha dawlad goboleedka Mudug iyo G/gaduud uu guul u yahay ummadda Soomaaliyeed oo idil, gaar ahaan dadka ku dhaqan bartamaha Soomaaliya, hadalkaasi waxaa u riyaaqay oo soo dhaweeyay shacbiga nabadda, horumarka iyo wanaaga jecel.
Bilowga wajiga labaad ee shirkaasi wuxuu ku furmay dar-dar cusub oo ku salaysan sidii looga mira dhalin lahaa dhismaha dawlad goboleed ka hana qaada labada gobol ee Mudug iyo G/gaduud, ergooyinka G/dhexe ee kulan-weynahaasi ka qeyb qaadanaya ayaa wejiyadooda waxaa laga dheehan karaa sida ay uga go’an tahay unkida maamul ay ku mataaneysan yihiin shacbiga ku dhaqan deeganadaasi, beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed si isku mid ah ayaa looga soo dhaweeyay wajiga 2-aad ee uu cagta saaray shirweynahaasi.
Hadal haynta ugu faraha badan eee xilligaan ka jirta Soomaaliya waa dhismaha maamulkaasi, sidii 1960-kii loogu hamuun qabay dhalashada JAMHUURIYADDII SOOMAALIYA ayaa waqtigaan dad badan waxey u jeel qabaaan ama ay u jecel yihiin iney mar uun arkaan dawlad goboleed u qaas ah G/dhexe, kuwaasi oo sugi la’ isla markaana dhararaya mudada kooban ee ka hartay dhalashada maamulkaasi, xaqiiqdii dhismaha maamulkaasi oo ay inaga xigaan waqti aad u kooban ayaa haddii lagu najaxo waxaa beenoobaya dadka G/dhexe ma heshiin karaan, mana sameysan karaan maamul ay ku midaysan yihiiin.
La yaab ma leh dawlad goboleed kasta oo cusub iney yeelataa mucaarad iyo cadow ka soo horjeeda, Puntland oo daris la ah maamulka loo yagleelayo G/dhexe ma jecla in dariskeeda uu noqdo dawlad goboleed iyada la mid ah, isku dayo aad u badan oo lagu doonayay in lagu fashiliyo maamulka G/dhexe ayay Puntland ku dhaqaaqday balse wey ku hungowday, Madaxweynaha Puntland iyo Wasiiradiisa marnaba ma aysan qarsan cadaawada ay u qabaan iyo sida ay uga soo horjeedaan dhismaha maamulkaasi, nasiib daro waxaa ah C/wali gaas xilligii uu Ra’iisul wasaaraha kaa ahaa Soomaaliya wuxuu saxiixay inuu ogol yahay dhismaha maamulka Mudug iyo Galgaduud, hase yeeshee maanta isagoo ah Madaxweynaha Puntland wuxuu diidan yahay dhismaha maamulkaasi, walaakeena ma shalay ayuu saxsanaa oo maanta ayuu qaldan yahay, mise shalay ayuu qaldanaa oo maanta ayuu saxsan yahay, cid walba waa u cadahay ama waa u muuqataa xaalka C/wali halka uu yaalo, runtiina shalay ayuu C/wali saxsanaa wuxuuna ahaa qof Qaran balse maanta waa qof Qabiil wuxuu ku doodayana waa uu ku qaldan yahay.
Runtii siyaasiyiinta reer Puntland waxaa lagu xaman jiray in ay adduunka ugu neceb yihiin khayrkooda Somaliland, warkii hore war soo dhaafay haatan waxaa la xaqiijiayay iney caalamka ugu neceb yihiin dhismaha maamulka Mudug iyo Gal gaduud, caqli ma aha in taada kaliya aad eegato tan dadka kalana aad diido, waa run in Puntland ay shareysanayso (dhibsaneyso) dhismaha maaamulka Mudug iyo Gal gaduud, balse runta biya kama dhibcaanka waxey tahay Puntland ha diido ama ha ogolaato wallee waa dhismayaa maamulka G/dhexe, xaquuqna wuxuu la mid noqon doonaa Puntland oo diidan, Jubba land iyo K/galbeed, kuwaaasi oo ah illaa iyo haatan maamulada jira.

Mar haddii ay Soomaalidu tahay duul ama dad wada dhashay, Dastuurkeeduna uu qorayo in Federaal la noqdo waxaa lagama maarmaan ah in la soo dhaweeyo dawlad goboleedka 4-aad ee ka mid noqonaya Ferderaalka Soomaalya, kaasi oo waqti aad u dhaw ka soo bidhaami doona Magaalada Cadaado ee G/ Gal-gaduud, dawlad goboleedkaasi oo la rajeynaayo inuu wanaag badan ku soo kordhim doono Soomaaliya.

WQ:C/laahi Xasan Axmed Shiiqaalow

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook