Dowlada Somaliya oo wefdi u dirtay Magaalada Jigjiga, xilli xiisadda xuduuda ay taagan tahay +Cod

Xukuumadda Somaliya, ayaa waxay markii ugu horeysay qaaday tallaabo ay ku muujinayso, sida lagama maarmaan ay u tahay, in la joojiyo dagaalada ka soconaaya xuduuda Gobolka Galgaduud uu la wadaago dalka Itoobiya.

Xukuumadda, ayaa wefdi u dirtay Magaalada Jigjiga Ee Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya, waxaana wefdigaasi horkacaayay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somaliya, Mahad Maxamed Salaad.

Wefdiga Wasiiru Dowlaha, ayaa waxaa qayb ka ah Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo), Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Galgaduud.

Wefdiga Mahad Maxamed Salaad oo maanta ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa lagu wadaa inay Magaalada Jigjiga isku soo arkaan Madaxda Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya, si ay uga wada hadlaan dagaalada.

Inkastoo Dowladda Somaliya lagu dhaliilo inaanay ka hadlin dadka lagu laayay xadka, ayaa waxaa hadana la soo warinayaa, in maalmahaanba ay waday dadaalo diblomaasiyadeed, oo wax looga qabanaayo duulaanka Liyuu Boolis.

Ciidanka Liyuu Booliska, ayaa waxaa si kulul loogu eedeeyay inay dad badan ku dileen xuduuda, xilli dadkaasi ay qayb ka yihiin carruur, haween iyo ciroolaba.

Iyadoo maanta aynaan wax dagaalo ka socon xuduuda, ayaa waxaa hadana weli la dareemayaa inay xiisad ka aloosan tahay halkaasi, dad badana waxay ka carareen goobihii ay deganaayen.

Ilaa iyo hadda fasiraad rasmi ah looma haayo waxa Liyuu Boolis u beegsanayan shacabka, ha yeeshee waxaa jira warar sheegaaya, in ujeedkoodu uu yahay inay dadka ka sal guuriyaan xuduuda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook