Dowladda oo ka takhalustay Waaxda Warbaahinta Qaranka, iyadoona laba u kala qaaday

Dowladda Somaliya, ayaa waxay ka takhalustay magacii ay adeegsan jireen Radiyaha iyo Telefishinka Qaranka, waxayna markii ugu horeysay ay u kala qaaday laba qaybood.

Waaxda Warbaahinta Qaranka, ayaa waxaa kolkii hore leesku oran jiray Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka, oo labaduba ku hadla afka Dowladda Federalka Somaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sameeyay laba Waaxood, kuwaa oo kala noqonaaya Waaxda Radiyaha iyo Waaxda Telefishinka Qaranka. Waxaa meesha ka baxday Waaxda Warbaahinta Qaranka.

C/raxiin Ciise Cadow, ayaa sii ahaan doono Agaasimaha Radio Muqdisho, halka C/raxmaan Yuusuf Sheekh (Al Cadaala) uu noqonaayo Agaasimaha Telefishinka Qaranka. Al Cadaala waxa uu kolkii hore ahaa Agaasimaha Guud Warbaahinta Qaranka (Waaxda Warbaahinta Qaranka).

Masuul Wasaaradda Warfaafinta Somaliya ka tirsan, ayaa Dhacdo.com u sheegay toddobadkan in laba Waaxood loo kala qaaday Radiyaha iyo TV-ga Qaranka.

Waa markii ugu horeysay oo laba loo kala saaro Warbaahinta afka Dowladda Somaliya ku hadasha. Waxaana fekerkan uu ka yimid Wasiir Maareeye, oo sidoo kale ah Mudane Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook