Edeedaha Musuqmaasuq Ee Madaxda FIFA Oo Isa Soo Taraysa Iyo Koonfur Afrika Oo Lagu Eedeeyay In Bixisay Laaluush Dhan 10 Miyan

Warqad uu qoray, madaxii hore ee xidhiidhka kubadda cagta ee Koofur Afrika, oo si hoose loogu gudbiyay wargeys ka soo baxa dalkaasi ayaa waxa ka muuqdo miisaanka eedeynta ah in dowladdaasi ay si hoose u bixisay 10 milyan oo dollar taas oo ay ku adkeysanayaan inaysan laaluush ahayn.

Iyadoo ay jiraan eedo ku saabsan in musuqmaasuq uu ku baahay hay’adda ugu sareysa ee kubadda cagta caalamka ee FIFA, ayaa warqaddan waxa ay caawineysaa eedaha ay Mareykanka baadhayaan.

FIFA ayaa la sheegay in tobannaankii sano ee la soo dhaafay ay hadheysay musuq.
Warqadda waxaa la qoray seddax usbuuc ka hor intaan lacagtii ugu horeysay la bixinin, taas oo qeyb ka ahayd 10 milyan oo dollar oo South Afrika ay bixisay.

Dhaqaalahaasi ayaa wasiirka ciyaaraha ee Koofur Afrika waxa uu ku sheegay inay ahayd mid ay ku caawiyeen ciyaaraha Caribeanka.

Laakiin galdacwadeedka Mareykanka ayaa lagu sheegay in lacagtaasi ay gashay jeebabka madaxda sare ee FIFA, taas oo lagu badashay in Koofur Afrika laga taageero helidda martigelinta ciyaarihii 2010kii.

Dikumiintigan waxaa saxiixay madaxweynihii hore ee xidhiidhka kubadda cagta ee South Afrika, Danny Jordaan waxaana loodiray xoghayaha guud ee FIFA Jerome Valcke.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook