Farmaajo oo dhaliil ujeediyay Xasan Sheekh kana hadlay xiisada Jubbaland iyo Dowladda u dhaxeysa+ Cod

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay arimaha Federaalka iyo xiisada u dhaxeysa Dowladda iyo Maamulka KMG ee Jubbaland, isaga oo eedeeyay Dowladda Xasan Sheekh.
Farmaajo, ayaa sheegay in marka hore ay qaldaneyd qaabka loo maray dhismaha Maamul Goboleedyada iyo arimaha Federaalka, maadaama muhiimada ay tahay in la raaco Dastuurka balse la hareermaray Dastuurka Somalia.
Wuxuu sheegay in arinta Jubbaland in biloowgeeda hore ay xumeyd, maadaama aan laga talo galin Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, sidoo kalena aan lagu dabaqin Dastuurka dalka u yaallo.
“Maamul Goboleedyada la dhisaayay inay weli qabyo yihiin tii Gobolada dhexe ay taagan tahay siyaabo ka duwan howshaan arimaha Federaalka lagu qaban karo ayaa jirtay in Dastuurka la raaco oo Dastuurka sida uu yahay loo fasiro oo maxkamada Dastuuriga la dhiso, hadii qalad uu ka yimaado si ay u cadeyso, laakiin maxkamadii Dastuuriga ma dhisno, runtii waxaan oran karaan howshaan biloowgeeda ayeey xumeyd Jubbaland iyo Maamulada kale dhismahooda waxa ay aheyd in Baarlamaanka laga siiyo qayb habka ay ku imaanaayan maamul Goboleedyada, waxaa kasii horeeyay arinta dib u heshiisiinta.” Ayuu yri Farmaajo oo la hadlay Idaacada BBC.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ku dhaliilay in Madaxweynaha uusan dhaqan gelin balan qaadyadii ahaa lixda tiir ee Dowladda ay ku dhisan tahay.
“Xaalada Somalia hada ku jirto waxan u arkaa xaalad kala guur ah oo ka haray muddo hal sano ah waqtigii Dowladaan loo igamaday oo howlo badana ay u harsan yihin, qaar ka mid ahna ay wax ka qabatay, waxaa ugu muhiimsan oo laga filaayay Dowladdaan Xasan Sheekh Madaxweynaha ka yahay inay kow arimaha muhiimada saartay oo koow iyo labo iyo saddex ay tiri waa arimaha ammaanka, waxaan u arkaa in laga gaabiyay in ciidamada ammaanka waxa ay u baahan yihiin lasiiyo sida agabkooda iyo mushaaradooda iyo daryeelkooda intaba”
Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku fashilan arimo dhowr ah oo ay balan qaaday inay wax ka qabanayso, waxaana ugu horeeya arimaha amniga iyo inaysan wax badan ka qaban arimaha gudaha iyo Somalida Yemen kasoo noqonaysa oo Dowladda door wanaagsan aysan ka qaadan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook