Gen fartaag oo beeniyay in calanka Soomaaliyeed lagu gubay Kismaayo iyo arimo kale +Cod

Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Jubaland Cabdulaahi Sheekh ismaaciil fartaag oo saaka isagoo ambabax u ah gobolka Gedo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ayaa ka hadlay dhowr arimood oo isugu jira ujeedada safarkiisa Gedo iyo dacaayado uu sheegay in laga sameeyay Jubaland.

Madaxweyne kuxigeenku wuxuu beeniyay warar lagu faafiyay saxaafada Soomaalida oo sheegayay in banaanbixii ka dhacay Kismaayo lagu gubay calanka soomaaliyeed.Gen fartaag wuxuu hoosta ka xariiqay in Jubaland ay kamid tahay Dowlada fadaraalka Soomaaliya ayna aaminsan yihiin in iyagu ay aasaas uyihiin calanka Soomaaliyeed.

Dhanka kale wuxuu meesha ka saaray in Jubaland ay aqoonsatay maamulka somaliland wuxuuna xusay in midnimada Soomaaliya ay kamid tahay mabaadiida Jubaland isagoo raaligelin ka bixiyay hadii ay jiraan dad kamid ah Jubaland oo uu hadalkaas kasoo baxay.

Wafdi ka kooban xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo uu madaxweyne kuxigeenku hogaaminayo ayaa shirkiisi jaraaid kadib howlo shaqo ugu ambabaxay gobolka Gedo.Madaxweyne kuxigeenku wuxuu socdaalkiisa ku sheegay mid daaran qabashada magaalada Baardheere.Hoos ka dhagayso hadlakii madaxweyne kuxigeenka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook