Guddiga Gaadiidka Baarlamaanka oo eedeyn Kulul u Jeediyay Muungaab +Cod

Gudoomiyaha, gobalka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen , Muungaab ayaa bilooyinkii danbe ka waday Magaalada Muqdisho qorshe dhulalka danta guud loogu cabariyo shaqsiyaad halka dadkii horey u deganaa loogu barakacinayo in dowladda u baahan tahay xarumahaasi.

Guddiga Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kormeer ku sameeyay Xerada Asluubta ee Galbeedka Muqdisho halkaaso dhawaan Dad dan yar ah laga raray islamarkaana la ogaaday in dad gaar ah la dajinayo.

Guddoomiye kuxigeenka Guddigaasi ahna kusimaha Guddoomiyaha ayaa sheegtay in iyaga aay soo gaartay Cabashada Dadkaasi.

waxaa sheegtay in arrintan sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabanayo iyada oo inta ku dartay in Maamulka Gobolka Banadir uu ka dambeeyo bara kicinta Dadka Danta yar ee Deggan dhulalka Danta Guud .

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook