Guddoomiyaha Galguduud oo ku Hanjabay in Dhuusamareeb ay la wareegayaan+ COD

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Waheliye Cirfo ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay Dagaalka Ahlusunna ay kula wareegtay Degmada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud,waxaana uu sheegay in aan la Aqbali karin in la barakiciyo Dad Nabad ku daganaa.

Guddoomiyaha Galgaduud ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Galgaduud uu Qorsheynayo in uu Gacanta ku dhigo Degmada hada ay Maamulaan Ahlusunna.

“Waxaa wax laga Xumaado ah in Dad Sheeganaya Culumo ay dilaan Dad Shacab ah oo ay ku soo duulaan oo ay Barakiciyaan sida hada Dhuusamareeb ka dhacday oo kale”ayuu yiri Cirfo.

Cirfo ayaa tilmaamay in Qorshaha uu yahay mid dib looga saarayo Ahlusunna Degaanada ay qabsadeen sida Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada Maamulka Ahlusunna ayaa Dagaal kula Wareegay Axadii la soo dhaafay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook