Hooyo Somaliyeed ”Waxaan mooday walaal Liyuu Booliska waxaase ii cadaatay inay yihiin dad cadow ku ah Soomaalida”

Hooyo Samsam Axmed oo kamid aheyd Hooyooyinkii Ciidamada Liyuu Boolis ay ka qafaasheen Deegaanada xadka la wadaaga Ethiopia oo baryahaani dambe ay ka socdeen Dagaalada ayaa sheegtay in Ciidamadu ay dhaqan xun u geysteen.
Waxa ay sheegtay in Ciidamadu ay kala baxeen Hoygeeda islamarkaana ay ku xireen Xabsi ku yiilay meel 9KM ka baxsan xadka kadibna ay kula kaceen falal argagax galiyay nolosheeda.
Waxa ay tilmaantay in Ciidamada goortii ay dhigeen Xabsiga ay kula dhaqaaqen faraxumeyn iyo tacadiyo aysan muteysan.
”Wey ii dhiman tahay nolisha iyo dhibka aan ku dhex arkay Xabsiga, waxa ay igu hor gowraceen Laba ruux oo ila soctay kadibna waxa ay igu amreen inaan indhaha ka qabsan falka ay sameynayeen oo ahaa gowraca”
”Qol gaar ah ayay i galiyeen waxaana qolka iigu soo galay Lix askar oo ii geystay faraxumey, waxa ay meel uga dhaceen jiritaankeyga waxa ayna igu wargaliyeen inay i dili doonaan hadii la waayo cid isoo raadisa”
”Waxaan isku dayay inaan u dacwoodo Sargaalka Saldhiga heystay waxa uu isna ciidamada ku amray inay i jir dilaan waxa ayna taasi igu qasabtay inaan nafta ka sabro waayo waxaa ii muuqday dhaqamada leygu sameeyay iyo inta ii harsan”
Sidoo kale, waxa ay sheegtay in Dadka aan loo kala saareyn Rag iyo Dumar oo la wada bireeynayay islamaraana lagu qasbayay in ay qirtaan in nay ka mid yihiin Al-shabab iyaga oo aan ahayn.
DF Somalia ayay ugu baaqday inay magdhaw ka qaado Maamulka Soomaalida Ethiopia oo iyagu lahaa amarka lagu cadibay Soomaalida iyo kuwa leysugu daray gowraca iyo dilka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook