Hugo Lloris oo sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Manchester United

Hugo Lloris ayaa waxaa uu kooxda Manchester United oo ah kooxda ugu doondonista badan geliyey rajo ah in ay heli doonto isaga.

Kooxda Manchester United ayaa xiddigan waxaa uu yahay xiddiga ay ugu doondoonista badantahay waayo waxaa ay Goolhayahan u aragtaa in uu yahay bedelkeeda Rasmiga ah ee Goolhaye David De Gea oo ay u badanthaay in xagaagan uu ku biiro Real Madrid.

Haddaba xiddigan ayaa sheegey in ay suuragal tahay in uu ku biiro Manchester United maadama ayuu yiri aan doonayo in aan Champions League doonayo in aan ciyaaro.

” Manchester United waa kooxda ay ugu badantahay in aan ku biiro waayo waxaa aan doonayaa in aan Champions League-ga ka qeyb galo iyadana kooxaha ka qeyb galaayo ayeey kow ka tahay” ayuu yiri goolhaye Hugo Lloris oo saxaafadda la hadley.

Xiddigan 29 jirka ah ayaa waxaa uu kooxdiisa Tottenahm u saftey ilaa iyo 99 kulan laga soo bilaabo sanadkii uu ku soo biirey ee 2012kii.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook