Ilkay Gundogan oo Kudhow ku biirista kooxda Manchester United

Man United ayaa wali ugu cad cad saxiixa ciyaaryahanka Ilkay Gundogan kadib markii Barcelona ay ka baxday doonistiisa.

24 jirkan waxaa kaloo dooneysay Bayern Munich laakiin waxaa uu ka dalbaday lacago qaali ah.

Sida laga soo xigtay Alfredo Martinez oo ah joornaaliste ka soo raacay Barcelona Berlin ayaa sheegay Gundogan inuusan ku biireyn Barcelona taas oo fursad u ah United.

Ciyaaryahanka khadka dhexe Ee Xulka Qaranka Jarmalka ayaa ku dhow inuu ka tago kooxda Borussia Dortmund inta uu san bilaabanin xagaagan, isagoo ku sii jeeda garoonka Old Trafford Ee Waqoyiga Magaalada Manchester.

Kooxda ka dhisan gobolka Catalania Ee Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay iska fogaysay xiisaha aay u qabto Cayaariyahan Ilkay Gundogan.

Dortmund halyeygeeda Karl-Heinz Riedle ayaa Goal.com u sheegay inuu yahay Gondogon Germany Xavi.

Dhinaca kale United ayaa Radja Nainggolan kaga dooneysa Roma £10.9million.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook