James Milner oo si rasmi ah ugu biiray kooxda Liverpool

Kooxda Liverpool ee dalka ingiriiska ayaa si rasmi ah u shaacisay inay la soo wareegtay laacibkii kooxda Man city James Milner.

Liverpool ayaa intaa ku dartay in laacib kaan uu si xor ah ugu soo biiray kooxda kadib markii uu ku qanci waayay dalabka ay u soo bandhigtay kooxdiisii hore ee Man City.

James Milner ayaa iska diiday kooxda Arsenal kadib markii ay isku fahmi waayeen shuruuda gaar ka ah taas ayaana keentay in laacib kaan uu doorto inuu ku biiro kooxda Liverpool.

Laacib kaan ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Liverpool wuxuuna si rasmi ah uga mid noqon doona ciyaartoyda kooxda Liverpool.

29 jirkan reer England ayaa waxaa uu heshiiska si shaqsi ah ula gaarey kooxda Liverpool isla markaana waxaa la sheegayaa in kooxda uu si toos ah ugu soo biiri dono bisha July 1deeda marka la gaaro oo ah xiliga uu heshiiskiisa dhamaanayo.

Garab weerarkan ayaa 5 sano ku qaatey kooxda Manchester City waxaana iminka dhamaadey 5taas sano isagoona doonaya in nolol kale oo cusub uu la bilaabo Liverpool.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook