Jordan Henderson oo Qabandoona Xilka Kabtanimo Ee Liverpool Marka Gerrard Uu Bisha Danbe Baneeyo

xiddiga kooxda Liverpool qadka dhaxe uga ciyaara ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu sheegey in uu doonayo in masuuliyad badan oo kooxda Liverpool la xiriirta in isaga dushiisa la saaro.
Xiddigan Jordan Henderson ayaa aad loogu maleynayaa in uu noqon doono kabtanka rasmiga ah ee kooxda Liverpool xili ciyaaredka soo socda madama uu kooxda isaga tagayo kabtankeedi hore ee Gerrard.
Steven Gerrard ayaa bisha soo socota faarujinaya garoonka kooxda Liverpool ay ku ciyaarto ee Anfiled madama uu xiddigan ku biirayo kooxda LA Galaxy oo ah koox ka dhisan horyaalka dalkaasi Mareykanka.
Haddaba Jordan Henderson ayaa loo badinayaa in uu yahay bedelka rasmiga ah ee kabtanimadda kooxda Liverpool marka uu Gerrard bisha danbe kooxda baneeyo.
” Diyaar ayaan u ahay aniga in aan kooxda Liverpool dusha u saarto masuuliyad aad uga weyn mida hadda aan kooxda u hayo” ayuu yiri Jordan Henderson oo saxaafadda la hadley.
Jordan Henderson ayaa kooxda Liverpool u saftey kulamo gaaraya ilaa iyo 176 kulan laga soo bilaabo tan iyo xiligii uu kooxda Liverpool uu kaga soo biirey dhanka kooxda Sunderland sanadkii 2011kii.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook