Jubbaland oo ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay Dowladda Federalka Somaliya (Aqri)+Sawiro

Maamulka Jubbaland, ayaa waxa uu gelinkii dambe ee Shalay uu iclaamiyay in xiriirka uu u jaray Dowladda Federalka Somaliya, ka dib markii ShalayBaarlamaanka Somaliya uu meelmariyay Mooshinkii laga keenay Baarlamaanka Jubbaland.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo horey u soo gudbiyay Mooshinkaasi, ayaa waxay sabab kaga dhigeen, in si sharci daro ah lagu soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.
War Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa lagu cadeeyay in Jubbaland, aynaan wax wada hadal ah ka geli doonin ansaxinta Mooshinka, isla-markaana ay xiriirka u jartay Dowladda Federalka.
War Saxaafadeedka, ayaa waxaa baaq loogu diray Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee deegaanada Jubbaland ka soo jeeda, inay wada tashi u yimaadaan Magaalada Kismaayo.
Aqriso War Saxaafadeedka

DSC09380-500x282

DSC09381-500x282

DSC09383-500x282

DSC09385-500x282

DSC09395-500x282

DSC09400-500x282

DSC09402-500x282

DSC09408-500x282

DSC09410-500x282

DSC09412-500x282

DSC09426-500x282

DSC09427-500x282

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook