Kenya oo shaacisay magacyada qaar kamid ah shabaabkii lagu laayey deegaanka Lamu +Video

Dowlada Kenya ayaa markii ugu horaysay shaacisay magacyada dagaalyahanadii shabaabka ka tirsanaa ay ku laysay deegaanka Lamu.

Afhayeenka ciidanka KDF ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay qaar kamid ah 11-kii nin ay ku dileen Lamu oo ay ku sheegeen madaxdii kooxda weerarka soo qaaday.Afhayeenka ayaa sheegay magacyada sadax kamid ah oo uu ku kala sheegay sidan:-

Cabdulxakiim oo horay loo odhan jiray Thomas Evans wuxuu udhashay dalka UK wuxuuna islaamay isagoo 19 jir ah

Luqmaan CIsmaan Ciise oo loo yaqaanay Shirwac wuxuu u dhashay dalka Kenya,wuxuuna kasoo jeeday magaalada Mombasa.Luqmaan ayaa la sheegay inay hogaaminayay weerarkii mpeketoni ee 65-ta qof ku naf waayeen.

Saciid Cabdalla Xaamid oo loo yaqaanay Xamza isna waa Kenyan kasoo jeeday Mombasa

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook