Kooxda Barcelona oo si rasmi ah ula wareegtay Aleix Vidal

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay lasoo wareegtay daaficii kooxda Sevilla ninka lugu magacaabo Alaix Vidal kaas oo kooxda reer Catalan qalinka ugu duugay Heshiis shan sano ah.

Barcelona ayaa maalinta beri ah oo Isniin ah saxaafada usoo bandhigi doonta xiddigan Vidal, kaas oo qalinka ku duugay inuu Camp Nou sii joogi doono ilaa iyo 2020-ka.

Vidal ayaa lugu wadaa inuu bedel u noqdo daafaca midig ee Daniel Alves kaas oo u muuqda mid ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyey Barcelona, waxana si wayn loola xiriirinayaa kooxda Man United iyo weliba PSG.

Xiddiga garabka midig ayaa £7.5milyan ugu wareegaya kooxda Yurub ugu fiican kadib markii xili ciyaareed fiican uu la qaatay kooxdiisa Rojiblancos-ka.

25 jirkan ayaa ka caawiyay kooxdiisa koobka Europa League waxaana uu u saftay xagaagan tartamada oo dhan 35 kulan.

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in warbaahinta loo soo bandhigo.

Xiddigan ayaa ka ciyaari kara booska daafaca midig waxaana ay Barcelona rabtaa iney ku badalato Dani Alves.
Dhinaca kale Aleix Vidal ayaa ku biiri kara Barcelona bisha January 2016 maadaama tan iyo xiligaas uu saaran yahay ganaaxa suuqa kala iibsiga laakiin ciyaaryahano waa ay sii diiwaangishan karaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook