Kuxigeenka Axmed Madoobe oo Is badal Deg deg ah ku dhawaaqday una yeertay…

Maamulka Jubbaland ayaa u yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaalya ugu matala Deegaanadooda in ay si deg deg ah ku yimaadaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo Shir Jataa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa sharci daro ku tilmaamay mooshinkii shalay Baarlamaanka Soomaaliya ay meel mariyeen.

Waxa uu sheegay Jen Fartaag in Isbadal deg deg ah ay la imaan doonaan maamulkooda saacadaha soo aadan, mana faah faahin isbadalka Deg dega ah uu ku dhawaaqay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland .

Dhinaca Kale Jen. Fartaag ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Deegaanada Jubbaland in ay si deg deg ah ku yimaadaan Magaalada Kismaayo si ay wadataashi ugala sameeyaan Go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya.

”Saacadaha soo socda waxaa naga soo bixi doona Isbadal deg deg ah ,w axaan fareynaa Xildhibaanada kasoo jeeda Deegaanada Maamulka Jubbaland in ay Kismaayo yimaadaan si wadatashi aan uga yeelanayo Mooshinka lameelmariyay ‘ Ayuu yiri Jen Fartaag.

Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ay xariirka u jareen Dowlada Federaalka Soomaaliya saacado un kadib markii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay meel mariyeen mooshinkii laga gudbiyay Baarlamaanka Jubbaand.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook