Lix ka Mid ah Musharaxiinta Gobolada Dhaxe Oo Dalad Sameystay+Sawirro

Munaasabad aad u qurux badnayd oo ka dhacday geed hoostiisa oo ku yaala duleedka magaalada cadaado ayaa waxaa iskugu yimid ilaa iyo 6amusharax oo ka mid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada mudug iyo galgaduud kuwaasoo ku midoobay madal loogu magac daray midoowga musharixiinta Mudug iyo Galguduud.

waxaa looga hadlayay Dib u dhaca ku yimid shirka maamul u sameeynta gobolada dhexe kaa oo Mudo Sadex bari ah Xirnaa ka dib karkii la isdku fahmiwaayay habka waxloo wada wadayo
Kulanka oo loogu magac daray madasha musharaxiinta gobolada dhexe ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Garabka dhanka Musharaxa Fiqi waxaana laga soo saaray Qodobo wax ku ool ah oo ay ka mid tahay in shirka dib loofuro in loomadax baneeyo ergada si ay u matalaan Masiirka Umada in ay ergadu doortaan Gudoon iyo in hawsha looga dhanbeeyo Dadka iskale oo kaliya ay Gudigu goobjoog ka ahaadaan.
Musharixiintii ku sugnaa madasha lagu shaacinaayay midowgaas ayaa waxaa ay kala ahaayeen musharax AMB Axmed Macalin Fiqi, Musharax Maxamed Cilmi Afrax Mideeye, Musharax Xasan Maxamed Nuur Qalaad, Musharax Dahabo Cabdi Maxamed Dahabo Cuud, Musharax cali Maxamuud Faarax Cali seeko iyo musharax Bashiir Diiriye Shariif.
Ula jeedada midowga musharixiinta ayaa ahaa in uu noqdo madal ay isku meel uga soo wada jeestan musharixiinta danta gobolada Mudug iyo Galguduud iyo aayaha umada dagan labadaas gobol.

Waa markii ugu horeeysay oo lagu dhawaaqo madal ay ku mideeysan yihiin musharixiinta gobolada dhexe qaarkood kuwaasoo ku sugan magaalada cadaado.
DSC09641DSC09649DSC09650DSC09651DSC09654DSC09659DSC09663DSC09666DSC09667DSC09682DSC09687DSC09688DSC09684DSC09700DSC09703DSC09705DSC09708DSC09711DSC09713DSC09617DSC09621DSC09622DSC09633DSC09732DSC09739DSC09740DSC09741

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook