Lucas Moura oo heshiis cusub u saxiixay Paris Saint-Germain.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain ee Lucas Moure ayaa noloshiisa u hibeeyey kooxda reer France ka dib markii uu qalinka ku duugay heshiis uu ilaa iyo 2019 kusii joogayo Paris.

22 sano jirkaan heerka caalami ee xulka Brazil ayaa PSG kaga soo biiray kooxda ka dhisan dalkiisa ee Sao Paulo Januray 2013 iyagoona xilligaas kusoo qaatay aduun gaaraya £44m.

Moura ayaa 144 kulan u ciyaaray PSG, waxana uu intaas kula guulaystay koobab gaaraya 8 koob.

PSG ayaa maalmihii u danbeeyay waday heshiis cusboonaysiin ku aadan laacibiinteeda muhiimka ah waxaana ugu danbeeyayJavier Pastore kaas oo isna kooxda u saxiixay isniintii 2019.

“Waxaan rajaynayaa inaan si ilaashino guulaheena sanadka soo socda oo aan ku guulaysano Champions League taas ayaa u jeedadayda ugu wayn ah, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ahay ciyaartooy Paris Saint-Germain ah ayuu sii raaciyey xiddigaan ka dib markii uu saxiixay heshiiskiisa cusub.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook