Maamul cusub oo loo magacaabay Degmada Marka iyo kii hore oo la cayriyay

Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, ayaa maanta Maamul cusub u soo magacaabay Maamulka Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Xaflad galabta lagu qabtay Degmada Afgooye, ayaa waxaa looga dhawaaqay Maamulka cusub ee loo magacaabay Degmadaasi Marka, iyadoona lagu kala diray Maamulkii hore kaga jiray.
Wareegto uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Koonfur Galbeed, C/raxmaan Ibraahim Aadan (Sate), ayaa waxaa xilka looga xayuubiyay Maamulkii uu hormuudka ka ahaa Gudoomiyihii Degmada Marka, Maxamed Cismaan Cali (Yariisow).
C/qaadir Maxamed Cashar (Nadaara), Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa xafladda ka akhriyay Wareegtada lagu soo magacaabay Maamulka cusub ee Degmada Marka.
Maamulkan oo ah mid KMG ah, isla-markaana shaqayn doono muddo lix bilood oo keliya.

 

Xasan Cumar Macalin. Gudoomiyaha Degmada Marka

Sheekh Maxamed Sheekh C/raxmaan,  Gudoomiye Ku Xigeenka Maaliyadda.

Siidow Xasan Arbow Gudoomiye Ku Xigeenka Amniga .

Xuseen Cabdi Maxamed (Rooti).Gudoomiye Ku Xigeenka Siyaasadda
Maxamuud Maxamed Axmed Gudoomiye Ku Xigeenka Arrimaha Bulshada

Xuseen Maxamed Axmed  Gudoomiye Ku Xigeenka Qorshaynta

Mahad Maxamed Cali Shuuriye. Xoghayaha Dowladda Hoose ee Marka,
Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa Maamulo kale u magacaabay Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose qaarkood, oo laga xusi karo Degmada Afgooye, iyadoo Maamuladii ka jirayna la kala diray.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook