Madaxii hore ee Ammanka shiinaha oo lagu riday Xukun xabsi da’in ah

Waxaa xukun xabsi daa’in ah lagu riday Hogaamiyihii hore ee dhinaca Ammanka dalka China Zhou Yongkang oo lagu helay falal caksi ku ah amaanka dalkaasi.

Mr Yongkang oo ah 72 jir ayaa waxa uu inta badan noloshiisa la soo shaqeyn jiray Dowlada xilal badana horay usoo qabtay.

Waxaa lagu helay kiis la xiriira musuqmaasuq, ku takri fal Awoodiisa iyo weliba in uu gudbiyay xoggo badan oo ah sir qaran taas oo uu u gudbiyay wadamo shisheeye.

Zhou Yongkang, ayaa ahaa hogaamiye Awood weyn leh ka hor inta aan xilka laga qaadin sanadii 2012, waxana uu qirtay eedaymaha loo soo jeediyay isaga oo sheegay in aanu wax rafcaan ah ka qaadan doonin Maxakamadda xukuntay oo ku taalla magaaladaTianjin ee Koonfura China.

Madaxweynaha China Xi Jinping oo muddo sanad ka hor ah la wareegay talada dalka ayaa bilaabay in uu fuliyo balanqaadkiisii ahaa la dagaalanka Musuqmaasuqa dalkiisa.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook