Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir oo si weyn loogu soo dhoweeyay Khartoum +Sawirro

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa dib ugu laabtay magaalada Khartoum ee Caasimada Sudan, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay Madaxweynaha.

Cumar Al-Bashiir ayaa ka qeyb galay shirka Madaxda Midowga Afrika oo lagu marti geliyay magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa waxaa soo dhoweynayay shacab fara badan, isagoo saarnaa gaari dusha ka furnaa oo uu ugu gacan haatinayay dadkii sii dhoweeyay.

Ka qeyb galkiisii shirka iyo ku sugnaanshihiisii Koofur Afrika waxaa ka dhashay xiisad, kadib markii Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee ICC ay dalbatay in loo soo gacan geliyay.

Maxkamadda sare ee magaalada Pretoria ayaa soo saartay amar ku aadan in aanu dalka ka bixi karin, waxaana taasi keentay wal wal badan oo shacabka Sudan ka qabeen in loo gacan geliyo Maxkamadda ICC oo horay u jartay ruqsada lagu soo xirayo.

Laakiin Koofur Afrika ayaa sheegtay in aysan marti u aheyn, isla markaana aanay awood u laheyn inuu soo xirto, maadaama uu marti u yahay Midowga Afrika, isla markaana uu heysto xasaanad.

Shaki badan ayaa la gelinayaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Koofur Afrika iyo Sudan, iyadoo dowladda Sudan lagu wado inay war ka soo saarto arrintan.

Maxkamadda ICC ma lahan Ciidamo boolis, sidaas darteed dalalka xubnaha ka ah ayaa waxaa waajib ka saaran inay soo qabtaan cidii lagu soo oogo dambi.

1

Hundreds of supporters welcome Sudanese President Omar al-Bashir, center left, on his arrival from South Africa as he walks through the crowd at the airport in Khartoum, Sudan, Monday, June 15, 2015. Al-Bashir arrived in Khartoum to cheers of supporters after leaving South Africa, where a court had ordered his arrest based on an international warrant for war crimes charges. (AP Photo/Abd Raouf)

4 5 al6

sudan,sudansudan1sudan2

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook