Madaxweynaha Suudaan oo diyaarad ka raacay Garoonka Magaalada Johannesburg, kuna wajahan Khartoum+ VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Suudaan, ayaa si kalsooni ah goor dhow kaga duulay Garoonka Duulimaadka Magaalada Johannesburg ee Wadanka South Africa, xilli Maxkamad ku taala dalkaasi ay amartay inaanu dalka ka bixi karin Omar al-Bashir.
Maxkamadda Dembiyada Caalamka (ICC), ayaa waxay Madaxweynaha Suudaan ku soo eedeysay inuu xasuuq ka gaystay Gobolka Darfur, sidaasi daraadeedna ay dalbanayso in gacanteeda la soo geliyo.
Madaxweynaha Suudaan oo ay la socdeen ciidan gaar ah, ayaa gedigood diyaarad ka soo raacay Garoonka Johhanesburg, waxayna ku sii jeedaan Xarunta Suudaan ee Magaalada Khartoum.
South Africa, ayaa horey u sii diyaarisay ciidan qaas ah, kuwaa oo qayb ka ahaa qorshaha lagu ilaalinaayay ammaanka Madaxweyne Omar al-Bashir.
South Africa, ayaa kol horeba ka cudurdaaratay xariga Madaxweynaha Suudaan, iyadoona qiil ka dhigatay inaanan waxba kaga laga weydiin karin, oo arrintaasi ay tahay mid u taalo Ururka Midowga Afrika.
Midowga Afrika, ayaa Madaxweyne al-Bashir ku soo casuumay Shir Madaxeedka Midowga Afrika, oo sanadkan ay martigelisay Magaalada Johannesburg.
Awaamiirta ay soo saartay Maxkamadda South Africa, ayaa waxaa laga yaabaa inay xumeyso xiriirka labada dal. Dadka xiriirka caalamiga bartay, ayaa ku waramayaa in South Africa ay ceeb ku tahay Madaxweyne marti u ah, inay ku xadgudubto Maxkamad ku taala dalkeeda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook