Madaxweyne-xigeenka Puntland Oo Ku Guulaystay Inuu Xaabsade Kareebo Wasiirada Puntland

Madaxweyne-xigeenka Puntland ayaa Madaxweynihiisa Cabdiweli Gaas kaga guulaystay inaan Axmed Cabdi Xaabsade lagu soo darin golaha wasiirada ee cusub oo shalay lagu dhawaaqay.
Magacaabista Xaabsade oo uu watay madaxweynaha Puntland waxa si adag uga horyimid Madaxweyne xigeenkiisa Cabdixakiim Camey oo nidar ku maray inay isaga iyo wasiirada kal ee Dhulbahante ka dareeri doonaan xukuumadiisa haddii Xaabsade lagu soo daro golaha wasiirada.

Waxaanu muranka labada masuul ee Xaabsade ku saabsani afar goor dib u dhigay wasiirada cusub ee shalay lagu dhawaaqay.
Xaabsade ayaa wuxuu sidaas kaga baaqday inuu ka mid noqdo golaha wasiirada Puntland, oo shalay lagu dhawaaqay isku shaandhayn, xil ka qaadis yo magacaabis uu Madaxweynaha Puntland ku sameeyay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook