Madaxweynihii Hore Ee Somaliland, Daahir Rayaale Oo Maanta Hargaysa Kusoo Laabtay Kana Hadlay Xaaladdaha Siyaasaddeed +Video

Madaxweynihii hore ee somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka waramay xaalada uu haatan dalku ku sugan yahay, waxaanu is bar bar dhig ku sameeyey mudo kordhintii loo sameeyey wakhtigii uu talada dalka hayey iyo mudo kordhinta haatan loo sameeyey madaxweyne Siilaanyo.

Ugu horayn madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo ka hadlaya xaalada dalka ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Madaxweynaha ayey ahayd inaad waydiisaan wixii aad shalay mucaaridaysay maxaad maanta u jeceshahay laakiin mid ayaan idiin sheegayaa wakhtigaas mudo kordhintu ay timid aniga sababo ayey ku timid, kow horta qarax ayaa lagu sameeyey madaxtooyada, dadkii hindida ahaa ee diwaan gelinta beenta ahayd inoo sameeyeyna meesha way ka qaxeen, dib u dhac ayaana doorashada ku yimid oo waxay ahayd in la qabto 2009-kii, guddida doorashada ee wakhtigaas joogtay Jaamac Sweden madaxda ka ahaa waxay ku dhawaaqeen in doorashada la galo xisbiyada mucaaridka ah ayaana diiday aniguna waan ogolaa, in diwaan gelinta la saxo ayaa hadana dib u sii riixday, laakiin aniga ayaa tanaasulka sameeyey doorashada madaxtooyada aniga ayaa ka soo hor mariyey ta dawladaha hoose, ta labaad qodobo aan loo baahnayn oo aan sharci ahayn ayaan ogolaaday si doorasho loo galo oo aan is qab qabsigu riix badan u sii yeelan, beesha caalamku ayaa ina soo fara galisay xataa guddidii doorashada ayaa la eryey sharcina may ahayn cida ogolaatayna aniga ayey ahayd, lexe jeclo aan dalka qabo ayaan u ogolaaday.”

Madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Oo Aaan leeyahay waar haddii ay meeshan dhibaato ka dhacayso wax kastaba adigu ogolow, tii maalintaas meesha taalay ma taalo, qarax ma dhicin, diwaan gelin xumaatayna ma taalo waxaanay ahayd in laga heshiiyo, wakhti la qabanayo doorashada guddida doorashada ayaa iska leh wakhtiga ay qabteena waa in la sharciyeeyo sida uu sharcigu yahay.”

Sidoo kale madaxweynihii hore waxa uu sheegay inuu doonayo inuu tusaale u noqdo madaxda qaranka soo marta waxaanu yidhi “Anigu xiiso um qabo siyaasada, waxaanan rabaa inaan tusaale u noqdo in marka ninka madaxda ahi xilka ka dago uu dadka kale jaaniska siin karo.”

Sidoo kale madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin waxa uu raali gelin buuxda siiyey bahweyntii xisbiga Udub, oo ka xumaaday talaabadii uu xisbiga ugu wareejiyey Cali Maxamed Waran Cade waxaanu yidhi “Waxaan raali gelin ka bixinayaa xisbigaygii Udub inaan u dhiibay nin aanu hankiisu gaadhsiinayn madaxweyne waa cali waran cade oo wasiir ah, kaas oo ku faanayey jeebka ayaan ku ritay xisbigii udub oo nimankii hankoodu ahaa madaxweyne ilaa ku xigeenkayga iyo bah weyntii xisbiga udub iyo nimankii hankoodu ahaa madaxweyne iyo ku xigeen ee soo dalbaday xisbiga ee Jamaal Iyo Cabdirashiid raali gelin ayaan ka siinayaa inaan iyaga baal maray oo aan xisbigii u dhiibay ninkaas hankiisu wasiirka iyo wixii ka hooseeya yahay.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay madaxweynihii hore ee somaliland.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook