Markabkii Loodiray inuu sooqaado qaxootiga somalida ee yemen oo Goordhaw ku xirtay Mukallah

Waxaa Goordhaw Dekadda Magaalada Mukallah ee Dalka Yaman ku xirtay Markabka Nawaal 3 uu ugu yaboohay Ganacsade Cabdi Cali Faarax in lagu soo daabulo Qaxooiga Soomaaliyeed ee kasoo baxsanaya colaada ka aloosan Dalka Yaman.

Markabka oo mudo lix cisho ah badda kusii jiray ayaa saakay si nabdoon waxa uu ku gaaray Dekadda Magaalada Mukallah, halkaas oo la filayo in uu kasoo qaado ku dhawaad 2-kun oo qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah.

Soomaali badan oo kusugan Magaalada Mukullah ayaa isku diyaarinaya in ay soo raacaan Markabkan oo si lacag la’aan ah dalkooda ku keenaya, waxaana Markabkan ilaha dartiis ugu yaboohay Soomaalida ku dhiban Dalka Yaman Ganacsade Soomaaliyeed oo ka damqaday dhibka Soomaalida ku heesta Dalkaasi.

Markabka Nawaal 3 waxaa lasocda Kalkaaliyaal caafimaad, waxaa sidoo kale Markabka saaran biyo nadiif ah iyo raashin loogu tala galay in loogu gar gaaro Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo baxsanaya Dagaalka kasocda Dalka Yaman.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook