Massimiliano Allegri Muxuu Ka Yiri Doonistiisa Ku Aadan Oscar?

Massimiliano Allegri macalinka kooxda Juventus ee reer Taliyaaani ayaa waxaa uu banaanka keeney baahida uu u qabo saxiixa wiilka reer Brazil iyo kooxda Chelsea Oscar.
23 jirkan reer Brazil ayaa waxaa aad loola xiriirinayaa in uu doonayo ku biirista kooxda reer Taliyani ee Juventus oo u aragta in uu xiddigan yahay bedelkeeda Rasmiga ah ee Pogba oo kooxda ka sii socda xagaagan.
Haddaba Massimiliano Allegri macalinka kooxda Juventus ayaa sheegey in uu doonayo in kooxdiisa Juventus uu keeno xiddigan Oscar isagoona intaa ku daray in kooxdiisa ay soo qaadan doonto wax walba oo ay qaadato xiddigan.
” Oscar waxaa uu kamid yahay xiddigaha diiradda noo saaran si walba oo aan ku heli kareyno iyo weliba qaab walba oo aan ku soo iibsan kareyno waan mari doonaa” ayuu yiri Massimiliano Allegri macalinka kooxda Juventus.
Xiddigan Oscar ayaa kooxda Chelsea ku soo biirey sanadku markii uu ahaa 2012kii.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook