Maxkamad ku taal Koofur Afrika oo amar ku bixisay in la xiro Madaxweynaha Sudan

Maxkamad ku taal Koofur Afrika ayaa amar ku bixisay in Madaxweynaha Sudan laga hor-istaago inuu dalka ka baxo, iyadoo amartay in la xiro, kadib dalabkii ka yimid Maxkamada dambiyada caalamiga ee ICC.

Warkan ka soo baxay Maxkamadda ayaa la ogeyn sida uu ku dhaqan geli karo, mar haddii Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir uu ka qeyb galayo shir madaxeedka Midowga Afrika ee maanta ka furmay magaalada Johannesburg.

Maxkamadda ayaa sheegtay in madaxweynaha ay waajib ku tahay inuu dalkaasi joogo illaa dalabka ICC ee ah in lagu wareejiyo.

Maxkamadda Koofur Afrika ayaa dooneyso inay go’aan ka gaarto haddii ay xirayaan oo ICC ay ku wareejinayaan iyo in kale.

Laakiin dowladda Koofur Afrika ayaa wali ka hadlin amarka ka soo baxay Maxkamadda, iyadoo warbaahinta dalkaas ay qorayaan amarka Maxkamadda ka soo baxday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Koofur Afrika ay iska fogeyneyso inay iyada casuuntay, isla markaana Midowga Afrika uu marti u yahay, shirkana dalkeeda lagu qabanayo, taasna aanay u sahli karin inay dowladdu xirto, iyadoo oofineyso amarka Maxkamadda.Cumar Xasan Al-Bashiir

Koofur Afrika ayaa xubin ka ah Maxkamadda ICC, waxaana horay Maxkamadda ay labo ruqsadood ay u jartay Madaxweynaha Sudan in la soo xiro, kadib markii lagu eedeeyay inuu geystay dambiyo dhinaca bani’aadamka oo ka dhacay Gobolka Darfur sanadkii 2003-dii.

Madaxweyne Al-Bashiir oo dhowaan dib loo doortay, ayaa horay waxaa uu safaro ugu tagay dalal Afrika iyo kuwa ka tirsan Bariga Dhexe, isagoo iska fogeeyay eedeymaya Maxkamadda ICC, kuna tilmaamay in uusan aqoonsaneyn Maxkamadda.

Midowga Afrika ayaa horay u diiday inuu iskaashi la sameeyo Maxkamadda ICC, waxaana dalal badan oo Afrika ay ku tilmaameen Maxkamadda mid kaliya sharciyadeeda ay qabtaan Madaxda Afrikaanka ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook