Mooshin ka dhan ah Xassan Sheekh oo la abaabulayo +Cida wada & Cida dhaqaalaha ku bixineysa

Waxaa si xooli ah u socdo xiriiro hoose oo dhex maraayo Dowlada Ethiopia iyo Maamulka Jubbland kaasi oo qarka looga tuuraayo Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Dowladiisa.

Wararku waxa ay tilmaamayaan in Maamulka Jubbland loo balanqaaday dhaqaale culus oo ay u adeegsaneyso Mooshino lagu ridaayo Madaxweyne Xassan waxaana siyaasada Mooshinkaasi ka qeybqaadan doonta Ethiopia.

Waxaa iminka jiro xiriiro hoose oo dhexmaraayo Maamulka Jubbaland iyo Xildhibaanada Baarlamaanka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Deegaanada Jubba.

Xildhibaano ku heeb ah Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxa ay iminka ku sugan yihiin Magaalada Jigjiga si halkaasi ay ugu wada hadlaan Xubno ka tirsan Wasaarada Arrimaha dibadda Ethiopia.

Xildhibaanada ku sugan Jigjiga ayaa waxa uu ujeedkoodu yahay in laga soo dhaadhiciyo qaabka uu u bilaabanaayo Mooshinka lagu ridaayo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Lama oga halka uu ku dhamaan doono mashruuca Mooshinka oo ay isla daadihinayaan Ethiopia iyo Jubbland.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook