Nani Oo Iska Diidey Ku Biirista Benfica

Garab weerarka kooxda Manchester United ninka lagu magacaabo Nani ayaa waxaa iska diidey dalab uu ka heley kooxda ka dhisan dalkiisa ee lagu magacaabo Benfica.
Xiddigan ayaa waxaa uu xili ciyaareedkii hadda ahaa uu amaah ugu maqnaa oo uu ugu ciyaarayey kooxda lagu magacaabo Sporting Lisbon ee ka dhisan dalkaasi Portugal.
Haddaba kooxda Manchester United macalinkeeda Van Gaal ayaa u sheegey xiddigan in uusan kamid aheyn shaxdiisa kooxda ee xili ciyaareedka danbe horyaalka uu la soo shirtagayo, waxana midaasi ay ku qasabtey in kooxo kale uu doondoonto.
Kooxo badan ayaa saxiixa Nani aad u doonaya waxaana kooxahaasi kamid ah kooxaha reer Taliyaani ee kala ah Inter Milan iyo sidoo kale Roma.
Si kastaba 28 jirkan ayaan la ogeyn halka uu ku danbeyn doono mustaqbalkiisa kooxda Manchester United.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook