Neymar Muxuu Ka Yiri Guushii Xalay Ay Ka Gaareen Dalka Peru?

Wiilka reer Brazil ee lagu magacaabo Neymar ayaa waxaa uu sheegey in xulkiisa Qaranka dalka Brazil ayaa waxaa uu ka hadley guushii ay xalay ka gaareen xulka qaranka dalka Peru.
Xulka qaranka dalka Brazil ayaa xalay la ciyaarey xulka Peru kulan ku tirsan Coppa America waxaana uu kulankankaasi laba gool iyo gool dirqi ah ku adkaatey xulka Brazil.
Haddaba Neymar oo dhaliyeyaashii labadda gool mid kamid ah ahaa ayaa waxaa uu sheegey in xulkiisa Qaranka dalka Brazil uu awooda saari doono sidii uu koobkan ugu guuleysan lahaa isla markaana ay kulamadda soo socda guulo u gaari lahaayeen.
” Waxaan u dagaalameynaa sidii kulamadda soo socda aan guulo u gaari laheyn isla markaana aan sidoo kale u dagaalami doonaa sidii aan koobka ugu guuleysan laheyn” ayuu yiri Neymar.
Neymar ayaa waxaa uu xulkiisa Brazil wadar ahaan u dhaliyey goolal gaaraya ilaa iyo 44 gool.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook