Pirlo Vs Xavi: Keebaa Ahaa Khadki Dhexe Ee Ugu Fiicnaa Ee Soo Mara Kubada Cagta

Andrea Pirlo iyo Xavi waa labo kamid ah xidigihii khadka dhexe ee caalamka soo maray kuwoodi ugu fiicnaa, waa ciyaartooy tayadoda ay ka badan tahay awooda jismi ay lahaayeen, waxayna laheyn qaab ka gooni ah dhamaan xidgaha kale ee ka ciyaara khadka dhexe iyagoo kubada cagta u soo maamulay sidi ay doonaan.

Labada ciyaariyahan ayaa jooa heerkoodi ugu danbeyay iyadoo Xavi uu dhawaan ku sii jeedo Qatar marka uu kooxdiisa la dhameysto xili ciyaareedkaan halka kulan uu ka haray, isagoo kooxdiisi uu jeclaa macsalameeyay, halka Pirlo uu ka fakarayo inuu xagaagan isaga tago kooxdiisa waxaana la sheegayaa in Finalka Champions League uu ku dagaali doono si uu ugu macsalaameeyo kooxdiisa

Xavi ayaa haatan ah 35 halka Pirlo 36 sano jir yahay waxayna labaduba sii galayaan dhamaadkii waayahooda ciyaareed inkastoo wali ay door muhiim ah kaga jiraan kooxahoooda iyo waliba wadamadooda iyadoo Xavi uu ka caawiyay xulkiisa iney ku guuleystaan labakoob oo yurub ah oo xiriir ah iyo waliba koob aduun, halka Andrea oo xulkiisa kula guuleystay koob aduun halka ay Finalki koobki yurub ee 2012

Hadaba labada ciyaariyahan keebaa wanaagsanaa ? iyadoo labada ciyaariyahan ay markale kulmayaan waxaan halkaan ku falaanqeeneenaa labada ciyartooy

Xavi wuxuu kaga tagayaa Barcelona iyadoo dadka ay arki karaan koobabkii uu ku guuleystay iyo isagoo la ogyahay inuu yahay halyeey ama dadka qaar ay u arkaan mid kamid ah kuwii ugu wanaagsanaa abid wax qabadkiisi kooxeedna shaki lama galin karo sidoo kalena qaranak ayuu wax weyn u qabtay,

Laakin sabtiga wuxuu ka hor imaanayaa mid kamid ah kuwa u qalmo inuu u sacbiyo.

Andrea Pirlo ayaa ah wax kabadan ciyaariyahan hal kooxeedkii uu ahaa Xavi kaasoo waqtiigisi dhan ku qaatay Barcelona, Si lamid ah Xavi, Pirlo wuxu qeyb muhiim ah ka ahaa xulkii Azzuri ee ku guuleystay koobki adununka ee 2006, sida inta badan dadka ay wax iskula meel dhigaan halka kuama fiirineeno koobabka

Iyadoo Pirlo uu uu soo bandhigo qaab ciyaareed xidignimo ah dhamaan waayihiisi ciyaareed laakin hadana dadka qar kuma tixgaliyaan sidaa ay u tixgaliyaan Xavi, wuxuu ku soo baxay Inter inkastoo ay fahmi waayeen qaabkiisa rasmiga ah, wuxuu dib ugu soo noolaaday booska burburiyaha ah markii u kciyaarayay Milan, hadana markale markii Massimiliano Allegri uu meesha ka saaray isagoo aan eegin wax qabadkiisii iyo rikoorkiisi wuxuu aaday Juventus isagoo nasiibkii kooxda dhanka kale u rogay.

Itaaliyaankaan ayaa si toos ah ugu lug lahaa waqtiyadii waa weynaa ee kooxihii uu la joogay ay soo qaateen markasta o ay ciyaarta u baahato in qof garabaha saara oo kaxeeya marnaba ma uusan dayicin masuuliyadiisa, sida aan wada ognahayna wuxuu ahaa marwaliba qofka xukuma ciyaarta isagoo ka dhex muuqanayay meel kasta oo garoonka dhexdiisa ah isagoo eryanaya kubada ama dhiibaya baasas aan caadi aheyn.

Awoodiisa laadadka xorta ah waa wax xusuus mudan, marka aad si gaar ah u eegto habka uu laadadka u tuuro waa wax cajiib ah oo qof waliba ay jeceshahay iney ku raaxeysto waana dareemeysaa iney tahat shaqo uu qabanayo qof cabqari ah, Xavi inkastoo uu goob joog u soo ahaa guulo badan hadana Pirlo ayaa ahaa qofka go’aamiya kulamada, waxaana u furneyd wadooyin badan oo uu saameyn ugu yeesho ciyaar kasta gaar ahaan waqtiyada muhiimka ah.

Waqtigiisi ugu fiicnaa Pirlo wuxuu ahaa qofka ugu dhaw ee gaara faa’idad kubada
‘Xavi ugu yaraan waa khadki dhexe ee ugu fiicnaa abid’
Waqti dheer ka hor inta aysan ka soo bixinNeymar iyo Luis Suarez garabka Lionel Messi waayihisii quruxda badnaa ee Barca, guushi kooxda waxay ku xirneyd khadki dhexe ee ugu fiicnaa caalamka, wuxuuna ahaa Xavi

Markii uu kooxda koowaad kasoo muuqday kulankiisi ugu horeeyay sanadii 19998, wuxuu Xavi ku hoos jiray cadaadis ayaan yareyn waxaana laga doonayay inuu noqdo badalka waqtiga dheer ee kabtankii kooxda Pep Guardiola, isago sidaas u yarna waxa uu dareemay iney tahay inuu isaga tago Camp Nou altogether., laakin wuu joogay, wuu is adkeeyay wuxuuna dareemay iney tahay inu dhiso khad dhexe oo qurux badan oo aad u wanaagsan waxaana lugu tilmami karaa waa kuwii ugu wnaagsanaa ee caalamka, hal tusaale waxaa u ah kooxdii habka Tiki Taka ku caanbaxday e Barca iyo qaranka Spain ba intii u dhexeysay 2008-2012

Ma jiro ciyaariyahan kaga baas badan hal kulan xidiga reer Catalan, halka saameynta Pirlo ay aheyd madaalenimo tan Xavi waxay aheyd mid joogta ah, mar waliba wuxuu tagnaa booska. isagoo sameyanayay ganbis, baas, joojin iyo inuu maamulo ciyaarta oo uu kooxda u gudbiyo falsafada macalinka wuxuuna shaqadaasi u qabtay si uusan u qaban qofkale oo kubada ciyaara

Cajaa#ib nimadiisi luguma cabiri karo kaliya goolal iyo caawinaad, Xavi wuxuu ahaa kontarool socda iyo maamulid ciyaareed, wuxuuna mar waliba siinayay saaxiibkiisa dookh kawanaagsan mid ka uu isaga is siiyo, wuxuuna sameeyay wax aan ku tilmami karno madaalenimo iyo dadaal aan dhamaan, waxaana qasab ku noqtay Barca iney badasho habkkedi ciyaareed maadaama uu waayihiisi quruxda badnaa dhamaad ku sii dhawaanayo.

Laakin markale ayuu dadka xusuusiyay muhiimada uu leeyahay markii uu koobkiisi 24-aad ee waayihiisi ciyaareed uu sare u qaaday maalinti uu macsalaameynayay Camp Nou, majiro ciyaariyahan intaasoo koob ku guuleystay taariikhda Spain, inkastoo waayadii danbe masuuliyada kooxda ay fuushay Messi hadan Xavi wuu ka so baxay masuuliyadi xiligiisi saarneyd

Xavi iyo Pirlo ayaa markoodi ugu danbeysay oo kulan weyn ah iska hor imaan doono sabtiga danbe maraka ay labadooda kooxood wada ciyaarayaa Finalka Champions leage ee ka dhacaya Berin

Hadaba Aqristee keebaa ahaa ciyaariyahankii ugu weynaa ee khadka dhexe marka laga hadlayo Xavi iyo Pirlo ?

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook