Qaxooti Suuriyaan ah oo Xoog ku jabsanaya Silig xoogan oo kuyaala Xuduuda Turkiga +SAWIRRO

Warbaahinta Caalamka ayaa soo bandhiyay Muuqaalo iyo Sawiro laga soo qaaday Qaxooti fara badan oo Siiriyaan ah kuwaa oo xoog ku jabsaday siliga ku xiran Xadka Siiriya la wadaago Dalka Turkiga, kadib markii Ciidamada ilaalada Xuduuda Turkiga diideen in dadkaasi ay xadka kasoo gudbaan.

Dadka Qaxootiga ah ayaa isaga soo qaxaya Magaalada Tel Abyad oo kutaala meel ku dhaw Xadka ay Wadaagaan Turkiga iyo Siiriya, waxaana Magaaladaasi maamula Xoogaga Islaamiyiinta Daacish ee ka aramiya qeybo badan oo Siiriya katirsan.

Ciidamada ilaalada Xuduudaha ee Dalka Turkiga ayaa markii hore awood adeegsaday iyagoona dadkan u diiday in ay xadka kasoo gudbaan, hasa ahaatee dadka Qaxootiga ayaa bilaabay in siliga ay xoog ku jabsadaan taa oo keentay in ay celin waayaan Ciidamada Turkiga una oolaadaan markii dambe in ay siliga kasoo gudbaan.












 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook