Real Madrid Oo Da’ yerkeeda Martin Odegaard Amaah Ku Siineysa Kooxaha Reer Spain Mid Kamid Ah.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in qorsheyneyso in xiddigeeda lagu magacaabo Martin Odegaard ay amaah ku siiso koox ka dhisan isla horyaalka Spain.

Xiddigan Martin Odegaard ayaa ah xiddigii ugu da’da yeraa ee garoonka la soo gala xiddigaha kooxda Real madrid kadib markii isagoo 16 jir ah uu kulankii ugu danbeyey ee horyaalka Spain uu ka soo muuqdey kooxdiisa.

Haddaba koxda Real Madrid iyo macalinkeeda cusub ee Benitez ayaa waxaa ay rumeysan yihiin in xiddigan uu yahay xiddig iyaga u muhiim isla markaana uu u baahanyahay in xoga qibrad ah uu soo qaato.

Kooxo badan ayaa doonaya in xiddigan Amaah lagu siiyo waxaana hogaanka u haya kooxahaasi kooxda Villareal, Real Betis iyo sidoo kale Malaga.

Xiddigan Martin Odegaard ayaa iminka toos uga mid noqdey xulka qaranka dalka Norway kadib markii la safey ilaa iyo 4 kulan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook