Roberto Firmino Waxaa Uu Doonayaa Ka Ciyaarista Horyaalka Ingriiska.

Wiilka reer Brazil ee lagu magacaabo Roberto Firmino ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansadey in uu ku biiro mid kamid ah kooxaha reer England.
Wakiilka xidigan ayaa maantey saxaafada la hadley waxaana uu sheegey in xiddiga uu wakiilka ka yahay uu ku biiri doono koox ka ciyaarta horyaalka ingriiska oo ah halka aadka looga doondoonayo laftiisa.
Kooxda Manchester United oo ah kooxda aadka saxiixa xiddigan u dooneysa ayuu warkan ka soo baxay xiddigan wakiilkiisa waxaa uu u noqon doonaa mid iyadda aad u farxad geliya.
” Waxaa keliya ee uu xiddigan Roberto Firmino u baahanyahay ayaa ah in uu u wareego horyaalka dalkaasi Ingriiska oo ah halka uu doonayo in uu ka ciyaaro” ayuu yiri wakiilka xiddigan.
23 jirkan ayaa waxaa uu iminka kamid yahay xiddigaha loogu doondoonista badanyahay suuqa kala iibsiga ciyaaryahanadda.
Sidoo kale kooxda Liverpool ayaa iyadana lagu soo waramayaa in ay aad u xiiseyneyso saxiixa xiddigan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook