Roy Hodgson: Sanadaha Soo Socda Jack Wilshere Xiddig Xulka Ingriiska Laf Dhabar U Ah Ayuu Noqon Doonaa

Roy Hodgson macalinka xulka qaranka dalka Ingriiska ayaa waxaa uu amaan kala duldhacay xiddiga xulka ingriiska iyo kooxda Arsenal-ba qadka dhaxe uga ciyaara ee lagu magacaabo Jack Wilshere.
Xiddigan Jack Wilshere ayaa waxaa uu xalay xulkiisa Ingriiska waxaa uu u dhaliyey laba gool kulankii ay xalay ingriiska seddexda gool iyo labada gool uga adkaadeen xulka Slovenia.
Haddaba Macalin Roy Hodgson ayaa sheegey in xiddigan Wilshere uu fure u noqon doono xulkiisa Ingriiska mustaqbalka dhow isla markana waxaa uu macalin Roy Hodgson intaa ku daray in xiddigan uu diyaar u yahay in guulo wanaagsan uu la gaaro xulkiiisa.
” Xiddigan Wilshere waxaa uu kamid yahay xiddigaha xulka Qaranka ingriiska loogu jecelyahay isla markaana aadka loogu xisaabtamayo, waxaana aan ku tilmaami kareyaa in mustaqbalka dhow uu xulkiisa laf dhabar u noqon doono.
” Anigana aadban goolashii uu xalay dhaliyey ugu faraxsanahay hadaan ahay macalinkii xulka” ayuu yiri Roy Hodgson.
Xiddigan ayaa xalay waxaa uu xulkiisa u dhaliyey goolashiisi ugu horeyey ee uu xulkiisa u dhaliyo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook