Shariif Xasan oo xilka ka xayuubiyay Gudoomiyihii Gobolka Baay iyo midkii Degmada Baydhabo

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu si rasmi ah uu xilka kaga xayuubiyay Gudoomiyihii Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow iyo midkii Degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed (Biikolo).
Madaxweynaha, ayaa Gudoomiyaha Gobolka Baay waxa uu u soo magacaabay Rashiid C/laahi Maxamed (LFC), halka Gudoomiyaha Degmada Baydhabo uu u magacaabay C/laahi Cali Maxamed.
Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha, ayaa xilalka looga xayuubiyay xubnahaasi, laguna soo magacaabay xubnaha kale. Waxaana Wareegtada Warbaahinta u akhriyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, C/raxmaan Ibraahim Aadan (C/raxmaan Sate).
Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa galabta hadal ka jeediyay munaasabad loogu talla galay in looga dhawaaqo magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Baay iyo midka Degmada Baydhabo.
Shariif Xasan, ayaa ku waramaaya in magacaabidda xubnahan ay kuwii hore kaga duwan tahay, iyadoo kolkii hore ay wax soo magacaabi jirtay Dowladda Somaliya, balse guusha ay gaareen ay tahay, in maanta Maamulkii deegaanka uu soo magacaabaayo xubnihii Gobolada iyo Degmooyinka.
Magacaabidda Rashiid LFC, ayaa waxaa soo dhaweysay bulshada ku nool Magaalada Baydhabo, waxayna u arkaan shakhsi ka soo bixi kara shaqada maanta loo wakiishay.
Waa markii ugu horeysay oo wax uu soo magacaabo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, tan iyo markii bishii November loo doortay Madaxweynaha Maamulkaasi.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook